Cutubka 7aad Maxaan ka tanaasulayaa?

Gabi ahaan, waxba! Porn waxay u adagtahay in la iska daayo waayo cabsida in nalaga qaadaayo raaxadeena ama taageerteena. Cabsida laga qabo in gaar xaaladaha wanaagsan aysan weligooda dib isku ahaan doonin. Cabsida in lagaaga tagaayo adigoosan la qabsan karin xaaladaha walbahaarsan. Si kale haddii loo dhigo, waa saameynta maskax-xadashada oo nagu khiyaanaysa inaan aamino in galmada - oo orgasm-ka la socoto - ay tahay wax oo looga baahan yahay bini’aadamaha dhamaantood. Xataa inta ka sii dheer, waa aaminsanaanta inay jiraan wax oo dabeecadda porn ku jira oo aan u baahanahay, iyo in markaan joojino isticmaalka aan nafteena diido doonno oo aan maran abuurayno.

Tan maskaxdaada ku caddey: Porn maranka ma buuxiso, mid ayay abuurtaa!

Jirkeena waxay yihiin waxyaabaha oo meeraha ugu casrisan. Haddii aad aaminsan tahay naqshada caqli leh, xulashada dabiiciga ah, ama labadaba isku-darkood, jirirkeena kumanaan jeer ay ka waxtar badan yihiin bini’aadamka naftigiisa! Ma awoodno inaan abuurno unugga nool ugu yar ama mucjisooyinka aragtiga, taranka iyo nidaamyada kala duwan oo isku xiran oo ka jira jirkeena ama maskaxdeena. Haddii Abuuraha ama Habsocotkaan uu noogu talo galay inaan xamilno kicinta xaf-dhaafsan oo aan caadiga ahayn, waxaa nala siin lahaayay nidaamya abaal-marineed oo ka duwan. Jirkeena waxaa la siiyay aalado oo digniin ah waana iska indhatirnaa, iyadoo khatar nagu ah.

7.1 Ma jiro wax oo laga tanaasulo

Mar haddii aad shaydaanka yar jirkaaga ka saarto oo aad maskax-xadashada (shaydaanka weyn) maskaxdaada ka saarto, ma rabi doonto inaad midba marar badan siigaysato ama inaad porn u isticmaasho. Waxaa jira wax badan oo la yaqaano iyo waxyaalo oo la aqoonin markii loo fiiriyo balwadda porn, iygoo qaar badan oo bulshada caafimaadka ka mid ah ay fikrad ka qabin su’aasha ama go’aaminta qof inuu porn ula qabatimay. Calaamado badan oo la warbixiyo oo porn keento ayaa si khaldan loogu calaamadeeyaa sababo kale. Ma aha in isticmaalayaasha ay guud ahaan u yihiin dad oo doqon ah, waa kaliya inay darxumeysan yihiin porn la’aanteed. Waxay ku xayiran yihiin inta u dhaxaysa shaydaanka iyo badda oo aada u buluugsan, iyagoo ka-foogaadaan iyo darxumeysan waayo inaysan porn isticmaali karin, ama darxumeysan waayo waxay yihiin dembileyaal waxayna sidaas darteed u bilaabayaan inay naftooda quudhsadaan. Markay helaan calaamado sida xanuunka dhabarka hoose ama cillada galmada, maskaxdooda ayaa ku xayiran inta ka dhaxaysa inay aqbalaan mas’uuliyadda joojinta porn ama inay dhinaca kale u jeestaan.

Halkaan waa tusaale kale oo sigaar cabbayaasha: Dhammaanteena waxaan aragnay sigaar cabayaal kuwaas oo soo saara marmarsiyo si ay ugu dhuuntaan si ay u cabaan, waxaana aragnaa qabatin oo dhab ah ee ficil ahaan. Balwadaha tan ma sameyaan si ay u baashaalaan, laakin waxay u sameyaan waayo way darxumeysan yihiin la’aanteed.

Qaar badan, khibradda galmada ugu horeysay orgasm bay ku dhammaatay, marka sidaas ay u heleen aminsanaanta inaysan galmada ku raaxaysan karin mid la’aantiis. Nimankuna, waxaa porn loo suuq-geeyaa inay gargaarka galmada tahay, mararka qaarkooduna [waxaa loo suuq-geeyaa] sida waxbarashada kalsoonida inta falka lagu jira. Tan waa wax aan jirin, saameynta kicinta xad-dhaafsan oo aan caadiga ahayn waxay kaliya ku guulaysataa inay [kalsoonida] hoos u dejiso.

Ma aha kaliya inaysan jirin wax oo laga tanaasuli doono, laakin waxaa sidoo kale jira faa’iidooyin waaweyn oo la haysan karo. Markay isticmaalayaasha ka milicsadaan joojinta, waxay u janjeeraan inay diirad saaraan caafimaadka iyo ragnimada. Kuwaan waxay yihiin sababo saxsan oo muhiim ah, laakin aniga waxaan shaqsi ahaan aaminsanahay in guulaha ugu weyn ay nafsiyeed yihiin:

  • So laabashada kalsoonidaada iyo gesinimadaada.

  • Xornimada addoonsiga.

  • Mar dambe aan lahaan doonin hadhad madow xun oo maskaxdaada ku jirta oo aad naftaada quudhsato.

7.2 Maran, maran, maranka quruxda badan!

Ka fikir adigoo wajigaaga nabar ku soo baxay, oo aad markaas farmashiistaha u tagtay, oo uu lacag la’aan kugu soo siiyay boomaato oo la mariyo si aad u tijaabiso. Boomaatada ayaad ismarisay iyo nabarka isla markiiba uu baaba’ay. Toddobaad ka dib nabarka wuu soo laabtaa. Marka farmashiistaha ayaad dib ugu noqotaa iyo waxaad weydisaa inay boomaato ka badan haayaan. Farmashiistaha wuxuu dhahaa: “Hubaal; tubbada iska hayso, waxaa laga yaabaa inaad hadhowtii u baahato.”

Boomaatada ayaad marsataa, iyo nabarka mar kale ay baaba’daa. Laakin mar kasta oo uu nabarka soo noqdo, wuu sii weynaadaa wuuna sii xanuunayaa, iyadoo muddada u dhaxaysaa marmarinta ay sii yaryaraanayso. Ugu dambeyntii, nabarka wuxuu daboolaa wajigaaga oo dhan wuxuuna leeyahay xanuun oo aad u cadaabsan, wuxuuna soo noqonayaa nus saac kasta. Waad ogtahay in boomaatada ay si ku meel gaar ah uga saari doonto, laakin hadda aad ayaad u walwalsan tahay. Nabarka, ugu dambeyntii, jirkaaga oo dhan muu ku faafi doona? Muddada u dhaxaysuna gabi ahaanba may u baabi’i doontaa? Markaas, dhakhtarkaaga aad u tagtaa mana daaweyn karaan, marka waxaad isku daydaa waxyaabo kale, laakin wax ma jiraan oo kaa caawinaysa markii boomaatada laga reebo.

Halkaan markay marayso, si buuxda aad boomaatada ugu tiirsan tahay, adigoo waligaaga guriga ka bixin adigoon hubin inaad tubbo haysato. Haddii aad dibadda u baxdo, waxaad hubisaa inaad qaadato dhowr tubboyin. Ka sokow walwalkaaga oo caafimaadkaaga ku saabsan, farmashiistaha wuxuu bilaabay inuu boqol doolar kaaga qaato tubbo walbo. Mana haysatid wax kale oo aan ahayn inaad lacagta bixiso.

Markaas waxaad la kulantaa maqaal oo ka hadlaya arrintaan, iyo waxaad ogaataa in aanay adiga kaliya ay kugu dhacaynin, oo ay dad badan dhibaato isku mid ah qabaan. Mideeda kale waxaad heshay inay bulshada caafimaadka ay ogaatay in boomaatadaas aysan si dhab ah u daaweynin nabarka, oo taasi beddelkeeda ay kaliya nabarka maqaarka hoostiis ku hayso. Waa boomaatada naftigeeda sababta oo keentay inuu nabarka sii weynaado, marka waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso si aad nabarka meesha ka saarto waa inaad joojisa isticmaalka boomaatada si ay nabarka kaligeeda isku baabi’iso.

Adigoo halahaas og: Ma sii wadi lahayd isticmaalka boomaatada? Awood rabitaan may qaadan lahayd si aan boomaatada u isticmaalin? Waxaa laga yaabaa, haddii aadan kowdi maqaalka aaminin, inay jiri lahaayeen dhowr maalmood oo walwalsan, laakin mar haddii aad garwaaqsatid in nabarka ay bilaabatay inay baaba’do, baahida ama rabitaanka in boomaatada la isticmaalo toos bay u bixi lahayd. Ma murugoon lahayd? Dabcan sidaas ma ahaan lahayn! Waxaad haysatay dhibaato oo aad u xun oo aad u malayneysay inaan la daaweyn karin, laakin hadda waxaad heshay xalka. Xataa haddii ay sannad kugu qaadato inuu nabarka kaa tago, waxaad maalin walba oo uu soo roonaado ka fikiri lahayd sida aad wanaag u dareentay. Taasi waa awooda ee joojinta porn.

Nabarka porn ma aha xanuunka jirka, la’aanta damaca caadiga ah, kacsi-galmada daciifka, dhexgelinta sii yaraanaya, waqtiga lagu khasaariyay sawirada laba-geesoodka ah, dareen xaq-u-lahaanshaha, iyo quudhsiga dadka oo ku qabteen adigoo daawatay, ama wax oo taas ka sii daran: isquudhsada naftaada. Kuwaas oo dhan waa waxyaalaha oo nabarka ku darsan.

Laakin nabarka naftigeeda waxay naga dhigtaa inaan maskaxdeena ka xirno waxyaalahaas oo dhan. Nabarka waa dareenka argagaxa ee rabitaanka inaan helno hagaajinta dopamine. Kuwa oo porn isticmaalaynin kuma dhibaatoodaan dareenkaas. Arrinta ugu xun oo aan ku dhibaatoono waa cabsida, oo faa’iidada ugu weyn ay tahay takhalusidda cabsidaas. Cabsidaasuna waxaa sababa u ahaayay fadhigaaga ugu horeyay, iyadoo la sii xoojiyay oo uu sababay mid kasta oo ku xigta.

Isticmaalayaasha qaarkood way ‘faraxsan yihiin’, iyagoo ku indha-tirmeen shaydaanka ee khiyaanada leh, waxayna sidaas darteed u dhex maraan qarow oo isku mid ah, iyagoo soo bandhigaya doodo been ah si ay isugu dayaan inay qiil u yeelaan doqonimadooda.

Aad bay u fiican tahay in la xoroobo!